dhaqanka iyo hidaha Qormooyin Warar

Waxka baro taariikhdii Abwaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku

taal duleedka magaalada Gabiley,sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay,isla markaana uu ii

xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen.Hooyadii waxay ahayd

Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa

darteedna wuxuu dhashay 1920-kii.

C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi.Wuxuu ku koray

degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.C/laahi Suldaan,

isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya,waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari

(Harar) iyo Diridhabe.Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed

Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa.C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale

oo ay ilma-adeer ahaayeen.Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid.

Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto.Maxamed Dugsiiye dib

ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa,

isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi

Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo

ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.

Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga

oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay

magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii. C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu

noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga

gabyi jiray.Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho

oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo

dadku aad u xiisayn jiray.

C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal

xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah;

 

“Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha.”

 

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii

ayay Maryan ku curatay.Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen

magaalada Jabuuti 1957-kii.C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii,isagoo

degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley

Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:

 

Xaliimo C/Laahi Suldaan

Maxamed C/Laahi Suldaan

Mako C/Laahi Suldaan

Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.

 

C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa

ee dalka ka hana-qaaday.Wuxuu markiiba ku biiray ururadii gobanimo doonka ahaa, halkaas

oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa. 1960-kii kadib, markii

gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda

Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas.

Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga. Beryihii dambe ilaa

doorashadii 1969-kii,Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday

Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay. 1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday

taladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday

dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla

markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca.

Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba

sida ugu roon isu beddeli doonaan. Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku

guursaday Ardo Tukaale 1971-kii,waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii

Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan,Nimco iyo Sam-sam

oo keliya oo xaasas ah. 1971-kii, C/laahi Suldaan waxa kusii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha.

Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay

dalka Kenya.

Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan

ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya. C/laahi Suldaan wuxuu ku

dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd.

Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.

C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas

oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii,1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga

soo qaaday Kala-baydh,iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay,

naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo’e

 

KAANA SIIB KANNA SAAR

 

 

Waa gabayga hoos ku qoran oon odhan karno waa gabayga ugu muhiimsan gabayyada soomaalida.

Wax kasta gabayaaga somaalida  way ka gabyeen,adduunayada waxa looga yaqaana inay yihiin

gabayaa aan lala tartami karin. Ilaaahay naxariisti janno ha ka waraabiyee, Maalintii Waqooyiga

Somaliya Gobanimada ay qaadatay 26kii juun 1960 ayuu gabaygan qiimaha leh ka tiriyay

meeshii laysugu yimid ee lagu dajinayay Calinkii Ingriiska. Gagadaasoo dad aad u badan ay

isugu yimaadeen. Gabayaaga maalintaa goob jooga ahaa wax ka mid ahaa Qaasim iyo Cabdi Idaan oo iyaguna ka tiriyay  tixo gabayaal ah oo kala gadisan.

Cabdilaaahi Suldaan “timacade”, isagoo ka hadlaya qiimaha xorriyadda iyo calanku leeyahay,

dhibaatooyinkii loo soo maray iyo meesha uu kaga yaallo umadda somaliland.Waxa gabaygaa

tiradiisu ahayd 126 bayd.

 

 

Anigoo sebi uun ahoo         Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo         Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo       Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee      Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseejo           Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro          Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay      I su’aala hadhow

 

 

 

Ilaahaan waxba seegine       Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow     Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow`     Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e     Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo       Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

 

 

 

Subciyay oo ka dukeeyaye     Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye        Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow     Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow      Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow    Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow     Saaxirkii kala guurrayeaha

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

 

 

 

Saahidiinta lslaamka e       Subcisaa Jimcayaashiyo

Sibyaanta iyo haweenku       Calankay Saadinayeenow

Cidina kaanay na Siine       Saatir noogu yaboohayow

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e      Kaana siib kanna saar

 

 

 

Sallaankii istiqaalkow       Sedadu kay ku xidhnaydow

Sayruukhii Afrikaadow        Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow       An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

San-ku-neefle dhammaantii     Khalqiga kii u sinnaayeen

Mid saaxiib la ahayne         Sangalkii iska diidayow

Saaxirkii kala guurraye       Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

 

 

Soomaloo iscunaysa oo         Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysu cabbaystiyo       Hadba soof la xabbaadhiyo

Saraayaa dami weyde           Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa’ile       Isu saaray gacmaa ee

Saf walaala ka yeelayow       Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow        An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

 

 

In sidayda tihiin iyo        In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta        Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo       Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo        Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

 

 

Nimankii na Siraayaye        Waaxwaax noo kala saaftaye

Solanaayey cadkeenna e       Innagoo dhexda suunku

Sabarkeenna qarqooray        Kii sedkeenna Cunaayaye

Sarartiisa ka muuqdaye       Surwaalkii ka yaraadaye

Daaro loo sibidheeyiyo       Sariiraa lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo   Mid baabuurka safeeyiyo

Aayad saarta carruuurtiyo    Sagaal boy iyo kuug iyo

Weliba seeksa lahaa          Kii saabaanka u laabayow

Saaxirkii kala gaurraye      Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e       Kaana siib kanna saar

 

 

 

Sawjarkaa hubka qaataye      Intuu soodhka ku taagey

U diyaara salaantiyo         Saraakiisha amraysaay

Sifihii isticmaarka          Ka siyaadiya maanta oo

Sibilkiinnan ag joogow       Sibirtiisa istaaga oo

Nin walbaan sigib beeloo     Sarow taaga gacmaa oo

Sacabkaysku garaaca oo       Nin walbow saddex goor

Subxaanow waa mahaddaa dheh

 

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa

Subxaanow waa mahadaa!

 

 

DUGSI MA LEH QABYAALADI

 

Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade.

Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu

leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay

ka hadhina aanay aayo lahayn.

 

Wuxuu yidhi:

 

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay     dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray         waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo      nabar is-diidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaa           waad ku dayataaye

 

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax    loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu           daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame        daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa             dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu         duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan      inuu ka duulaaye

 

Haddaad adigu daacuun ku tahay      dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii        fuulmo daashade

Jeeroon direyska u gashoon          dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee           waa dig siin jiraye

 

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo   diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa           dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag           idinka doorsoonye

 

Docda bari, dorooriga baddiyo       Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa           wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan           dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon        deelka laga waaye

 

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay      waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu         uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn         dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga      dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay       degashanaysaaye

 

Doc hadday u wada jeedsatooy        dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala  ah tahay ooy      duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways          dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa       daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa        daad u soo geliye

 

 

Ubadkiinii waad daadiseen           waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen      duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey           waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii             doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga    diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay       dumiso mooyaane

 

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo      daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga       daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama           iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi             waxay dumiso mooyaane

 

Dir dir la isu laayiyo intaan       weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan          danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal            meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad      dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi               waxay dumiso mooyaane

 

 

Maandeeq

 

Cabdullahi Suldaan Timacadde gabaygan wuxuu tiriyey lixdamaadkii markaasoo dawladii

markaa maamulka haysay aad  loogu dhaliilayey musuq-maasuq ka dhex socday iyo inay

dayacday mabda’ii dawladnimo xilkeediina aanay kasoo bixin. Markaa isagoo qararanimadii iyo xornimaddii

ku metalaya hal la yidhaahdo maandeeq oon xero xun gelin oo inta cadow dhacay laga daba tegay oo si

xarago leh loosoo dhiciyey ayuu gabaygan tiriyey.

 

Wuxuu yidhi:

 

Gumaysigu hashuu naga dhacay           een gurayey raadkeeda

gu’yaal iyo gu’yaal badan              hashii gama’a noo diidey

goobtay istaagtaba hashaan             joogay garabkeeda

guuraa habeenimo hashaan               gebi walba u jiidhay

gaashaandhigeedii hashu                galowgu eedaamay

 

hashii geeddankeedii rag badan         goodku ku casheeyey

gacmaa lagu muquunshaye xornimo        noogumay garane

garre iyo guntane maalintay            gees isugu boodey

Allaa noo gargaaree xornimo            noogumay garane

geeraarradeedii hashaan                annigu googooyey

 

galool iyo maraa iyo hashaan           kidiga geylaanshey

gaajiyo harraad badan hashaan          ugu garaacaayay

goobtuu sidkeedii go’ay                galabtii foolqaaday

ayadoo candhada giijisay               oo godol ku sii deysay

Garaad midan lahayn bay                la tahay waad ka gaagixine

annagoo gantaalaha dhaciyo             haysan qori gaaban

hashaan gaadda weynow libaax           uga gaboon waayey

Inaan Garayacawl uga tagaa             waa hal soo gudhaye.

 

Casiisoow

Casiisaw waa mahadaa

Timacade wuxu geeraarkan inagu tusaaleynayaa awooda Eebbe ee aan koobnayn. Geeraarkan waxa inooga muuqaneysa aqoonta qotada dheer ee Timacadde u lahaa diinta. Wuxuu ina tusaaleynayaa jirrabkii iyo dhibaatooyinkii la soo mariyey Nebiyada iyo siduu Eebbe ugu hiilliyey, wuxu yidhi :
Ilaahi cirka taagayee
Dayaxa iyo cadceeddiyop
Xiddigaa ku cigaalayow !
Ilaahi caadil ahaaye
Dhulka caynkan u daadshaye
Ku culaysiyey buurta e
Isagoon cidi joogin
Casiiskii Nebi Aadan
Ka buuray cammuudda e
Cidhifkaa bidixdiisa
Intuu caaro ka jeebay
Cadkii Xaawa ka yeelayow
Ilaahi caadil ahaaye
Ciyaarsiiyay buxuurta e
Ceejiyee ama siiyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskii Nebi Luud
Kuwii caasi gareeyay
Amaba ceebta yiqiinnay
Habeen cawda u gooyayow
Ilaahii caadil ahaaye
Casiiskiisii Suleymaan
Dabayshuu carbiyayow !
Ilaahii Nebi Ciise
Cilmigiisa ku qaadaye
Cashaduu iman doonana
Cawar seef ugu dhiibayow
Ilaahi caadil ahaaye
Casiiskii Ayuub
Cudurkii uu ku raajay
Marki uu caban waayey
Caafimaad ugu doorshay
Curuuqddiisii dhammaatiyo
Raxmaddii ku dul caastay
Cimrigoodi yareeyaye
Cusbeysiiyey Jidhkooda E
Caruusiinta ka yeelayow

Reer Saxardiid

Geeraarkan Cabdullahi Suldaan (Timacade) Eebe naxariista Janno ha ka waraabiyee wuxuu kaga hadlayaa dhibaatooyinka iyo aaya xumada qabyaaladda. Wuxuuuna caddaynayaa haddii aan laga hadhina inaan wax hagaagayaa jirin qaranimo iyo dwlad la haysanayaana ayna jirin. Wuxuu yidhi:
Intaad Reer Saxardiidiyo
Reer Sarreeye Dubeeyiyo
Reer Samaale tihiin ee
Suldaan Caarshe ogaa iyo
Cuqaashii San Qalloociyo

Subax kiina casheeyaa
idin seexinayaan
Sallaan aad ka baxdaaniyo
Salka meel aad dhigtaan
sacabkoo tima yeeshiyo
saabuun xoor laga waayiyo
waa dameer san madowoo
sina loo arki maayoo
waanay suurta gelayn

Hooyaale

Gabayada Cabdilaahi Suldaan timacadde IIlaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo hooyaale waa mid kamida gabaya lagu xasuusto.

Indhawaydba hooyale gabay hiigso ma lahayne
waa taan ka saahiday tixii hibadu saarayde
meeshiyo hilaaci kal hore maan haloosiine

dharaartaan haleelaan wixii hore ilaabaaye
hijradiisa goortaan dhex galo ha iyo wowgiisa
markaan anigu hoonka u tumo ayay haadka bixiyaane

hagaag uma talaabsado ninkaan hamaga saaraaye
waxaan gabaygan haatanna ku nacay hadimo waa heele
hadalada dul ow hoosta ay haaf ka dhigayaane

afartaa hilaac iyo tus iyo heego maw yeelay
hannaan gabayga waw marin jiree hadaladaydii dheh
hirara kalena waa maansaday hibatay laabtaydu

hal wanaagsan oo kuu dhashiyo hoos mid laga waayay
hadhuub inaanay wada buuxinayn hubati sow maaha
sange lagu horseediyo magaan hararaflaynaya

inaanay habaas wada galayn hubati saw maaha
hamadeenu bari bay ahayd heesta naagaha’e
heeladiyo barjuhu waa wixii hoos inoo dhigaye

hareeraha raga inaga xigaa helay libtoodiiye
heeryada gumaysiga ma rido ka u habranayaaye
lama helo wadaadow waxan ciddi u hawshoone

nafta loo hantaaqa waxay higso leedahaye
haween iyo rag waa loo guntaday hawshi barigiiye
gobanimdan hoobaan dhacday ee lagu haraad beelay

haydh-haydh haday naga ahayd haw ku soo nidhiye
haaneednay maandeeq Ilaah nama hungaysiine
diyaaraadka heegada mara ee haada la ciyaara

amikaarka hawsha u sita ee huriya duulaanka
dabaabadaha lagu hawdiyo maynka lagu haagmay
hubka iswada haydrogiinta iyo saanadaha haadha

hustankiyo afdheerha socdiyo haafafkiyo jiibka
raga taarka soo halabsady ee hadiyad noo siiyay
nin walba wuxuu noo huray buu hooya leeyahaye

habeen dhow wacane inaynu noqon waana la hubaaye
wax banabaa hadda reer la miray hoystay xoolaha’e
wax badanbaa hilaac lagu habqamay haadku gaylamaye

wax badanbaa hayaaya iyo wareer laysla hoosgalaye
labba hooyo wada foolatay oo hudantay waa ceebe
halka nabada lama dhaawacee hadimadii daaye

nin walbow wixii kugu habboon hoos u dhugo caawa

Ragee

Markii malag Jibriil uu waxyiga Maxamad siinaayay
nimankii maroodiga koree magane kooraystay
Makka kuwii inay ku duulaan uunka maqashiiyay

meeshiyo Abraha waxay ahayd dawlad maatiyahe
maskaxdii gabowdiyo waqtigu waaba kala maane
haddii dhiig nin uun laga mutaa rag u macaanaado

malabsiga ayaamaad hadduu mahad ku noolaado
magool suna mar waa cunni jiriyo midho dhunkaaleede
wuxuu Xayle meehaday iyo malihii beenowye

meeshiyo Berbera wuxuu lahaa maalin baad qabane
Geel-jiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye
ma moodayn Amxaarada inuu mawdku soo wado’e

nagamuu macaashine markay miririgtii yeedhay
milatariga dhaarsani markuu moote ku asqeeyay
madaafiicda waaweyn markii midigta loo dhiibay

Mingistiyo colkiisii la waa meel uu joogaba’e
muruguu dibnaha ruugayoo uu madowyahaye
maantaan gadhkii midhiqsanaa mid uga taagnayne

minka baxaya faalkaan arkiyo feleggii kaa meerye
Yuhuu magansataa iyo Qarbigu kuu mashxaradyaaba
isku muuqan maynnee markay miiranto aan eegno

Murugo

Gabaygan waxa tiriyay Cabdilaahi Suladaan Timacadde Ilaahay naxariiste Janno ha ka warabsho eh.

waxaad mooda in aragti gaar uu u lahaa sida qabiil ku dhaqanku uu ahaa dhaawaca, baabi’nta, dumista kala fogaynta dadka ku nool cara edeg dhammaantood.

Gabygan magaciisa waxa la yidhaa Murugo waana sarbeeb ila hadana safayntiisu ay ku maqantahay dadka aqoonta u leh gabayada.

Wuxuu yidhi timacadde ilaahay ha u naxariisto eh:

macnuu gabaygu kala leeyahayiyo jar iyo miidaane
layskuma marduufee haddaan miimka ka higaadsho
masalooyinkaygii haddaan maayada u laliyo

haddaan maago maantaba inaan mariyo luqdeeda
u meermeeri maayo’e tixaan meel dhow ku ogaaye
miyirsada anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

moqor ma laha geeduba hadday mayayga weydaaye
maalkuba caleen kama heleen milcda dayreede
midhuu kama bislaadeen haddaan gu’gu masruufayne

anna waxaan maleeyaan sidii milicda muujaaye
miyirsada anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo
isagoo muxtaaj loo yahay baan muunadayn jiraye
markaasaan muquuno u baxshaa araar leh miisaane

midh la yeedhku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye
miyirsda anaa tu’aan yarayn idinku maanshayne

afartaa wax layskuma maro’e miim ma ka higaadshay
maxlal hadalka waa u odhan jiree ma u masalo sheegtay
malyandheerka aaraartuu ahaa macalinkaygiiye

mudanii AFLOW iyo sidii MUXUMAD maw yeedhshay
micne kalana waa hadaladay muhatay laabtaydu

sida maxamadow mugul kaliil maangad lagu ooday
oo mayay gu’oo iyo maax biyo leh weyday
oo waa mawaashi saqdhexe maa ka tidhi beesha
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida mayl ka soo baxay Hindiya marinadii Jaawa
uu macalinkii waday xukumay mood in laga buuxsho
oo maalmo badan soo dhaxoo meel marso leh gaadhin

uu minawaarka quusaa u dhigay maynka lagu goosmo
oo wixii makhluuqaad ku jiray maalku kala soormay
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida naag ninkeedii mudna mawdku kala qaaday
oo macangag liittaa u hadhay yeeshay meherkeeda
oo inay ka meemeeriyaan magane doonaysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

sida carab macdar wacan dhigtoo mihindisoonaaya
oo maqayil xaafaddo u tagay lagama maarmaan ah
uu tuug musbaarrada guray uu taabay maqalkiisa

oo aan maliim lagaga tagin mulug wuxuu haystay
aan madhax raasamaal meel ka dayanaynin
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabataydu

sida maahir geeloo diraac madax sare u booday
oo gubad magoolliyo tigaad mruqle soo daaqday
haddii aan madoobow ratiga heeryo lagu miisin

milmil iyo haddaan loo carrayn marin xadhaadhoobay
madiix ololku wa gar’e hadday miridhna daynweydo
uu kala melmelo jeelku waa meheradiisiiye
ninkii maali jiray waa xaqiiq inay masoobaane
madoobaadayeey xalay miyay murugtay labtaydu

sida inna’n mabsuudoo rug wacan maalig ka abuuray
oo oday masaa’ibi dhalloo laga mildhaabaayay
makri ma laha naago’e hadday mahadda hayn weyday

oo inay hablaa wada maraan milicda doonaysa
uu innan ku meeraysan jiray meel fog ka ilaaqday
uu habar macluuna u diray ooy moqotinka u saartay

oo aan ka maanicin wuxuu uga muraad yeeshay
oo lay muwaafaqay halkuu maya ka dhawraayay
oo farakh makankeeda galay madax wareeraysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu

hadduu muruqa bawdadu ku go’o waad makalantaaye
ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maafe
markaha daarka waxa loogu tolay meel ha joogsado’e

waxa maraqa loo seesayaa maahir yay jaqine
miiraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye
mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode

yaanan hadalka muurmuurinine waxaan ku maydhaamay
macnaha iyo ujeedada ninkii maaxiyaa garane

Qoraa:-Ciise Axmed Maxamed “Speed”

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil