Home / WARARKA / Dhageyso:-Faah Faahin kasoo baxeysa Kooxo Hubeysan Oo dil ka geystay M/Muqdisho

Dhageyso:-Faah Faahin kasoo baxeysa Kooxo Hubeysan Oo dil ka geystay M/Muqdisho

waxaa warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan Kooxo ku Hubeeysan Bastoolado oo Goordhaw Dil ka geeysteen Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir, Qof ka ladilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Maxamed C/Laahi Madganeey.

Malaaq Maxamed yacquub Deeroow oo wareysi siiyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay uu kasoo jeedo Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya,kana mid ahaa Odayaashii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay walaalo yihiin senator katirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo timiro, sidoo kale waxa uu tilmaamay in Nabadoonka uu ahaa qof dabeecad Fiican, qalbi furan, waxa uuna tacsi udiray Eheladii iyo Qaraabadii uu ka tagay Nabadoonka.

Dhanka kale Nabadoonka lagu dilay Degmada Dharkenley ayaa waxaa dilkiisa sheegtay Xogagga al-shabaab iyagoo ku Cadeeyay Barta ay internet ka ku leeyihiin, Dilkaan ka dhacay degmada Dharkenley ayaan weli waxaa ka hadlin Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan