Home / CIYAARAHA / Arsenal Oo Isha Ku Haysa Inay Arteta Badal Uga Dhigto Arsena Wenger

Arsenal Oo Isha Ku Haysa Inay Arteta Badal Uga Dhigto Arsena Wenger

Kooxda Arsenal, ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan, Caawiyaha Kooxda Manchester City ee Micheal Arteta, si ay badal uga dhigaan Macallin Arsena Wenger.

Ka Dib 22-Sanno oo uu ku sugnaa Garoonka Emarites, Wenger, ayaa haatan waxaa soo food saaraya Cadaadis ku aadan dhinaca Maamulka Sare ee Kooxda Arsenal, ka dib Guul darrooyin xiriira oo Kooxda soo gaaray.

The Mirror, ayaa warinaysa in Laacibkii hore ee Kooxda Arsenal ay haatan quud dareynayaan in ay badal rasmiya uga dhigaan Macaallin Arsena Wenger.

Arteta, ayaa haatan ah Kaaliyaha Macallinka Kooxda Manchester City ee pep Guardiola, waxa uuna ku qanacsanyahay sahaqada uu ka hayo Kooxda Citizens-ka.

Wenger iyo Kooxdiisa Arseanl, ayaa Guul darraddii ugu danbeysay waxa ay ka soo gaartay Kooxda Brighton, waliba waa Kulankii 4-aad oo xiriira oo Kooxda laga adkaanayo.