Home / MUUQAALO / Daawo:-Feysal Cali Waraabe oo la sheegay in uu yahay Kirishbooy Siyaasadeed

Daawo:-Feysal Cali Waraabe oo la sheegay in uu yahay Kirishbooy Siyaasadeed

Siyaasi ka mid ah Siyaasiyiinta Dalka Jabuuti ayaa Edeyn kulul waxa uu dusha kaga tuuray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaraadka Maamulka Soomaaliland Feysal Cali Waraabe,kaas oo uu sheegay in uusan aheyn qof siyaasada wax ka yaqaana,islamarkaana waxa uu Carabka ku dhuftay in Feysal Cali Waraabe uu horay ugu fashilmay Siyaasada Soomaaliland,Madama marar badan uu u tartamay Madaxtinimada Soomaaliland,laakin wax Cod ah uusan helin taas uu ku tilmaamay in Dadka Soomaaliland ay og yihiin in uusan waxba u qabin karin,islamarkaana ay Go,aan sadeen in aysan Xil u dhiiban.

Dhanka kale Siyaasiga Reerka Jabuuti ayaa tibaaxay in Feysal Cali Waraabe ay marka hore u maleynayeen Nin Siyaasada Darawalka ka ah,laakin ay ogadeen in uu yahay Kirishbooy siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Daawo Muqaalka

Riix Halkan