Home / WARARKA / Dhageyso:-Maamulka Soomaaliland oo si kulul uga Jawaabay hadalo ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

Dhageyso:-Maamulka Soomaaliland oo si kulul uga Jawaabay hadalo ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

Dhawaan ayey aheyd Markii Maamulka Soomaaliland uu Heshiis la galay Shirkada DP World ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta Heshiiskaas oo lagu sheegay in Shirkada DP World ay Howlaha ka socda Dekada Magaalada Berbera ee Maamulka Soomaaliland ay la wareegi doonto.

Sidoo kale Heshiiska Maamulka Soomaaliland uu la galay Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa waxa lagu tilmaamay heshiis aan si sharci ah u dhacin.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wayo-gelinta Maamulka Soomaaliland C/Raxmaan Guri-barwaaqo,ayaa si kulul ugu hadlay hadalkii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya,waxa uuna sheegay in Dowlada aysan ka hadli Karin Heshiiskii Saddax Gesoodka ahaa ee dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada DP World ee laga lee yahay Dalka imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Dowlada Itoobiya.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka Soomaaliland uu ka madax banaan yahay Dowlada Soomaaliya,islamarkaana uu lee yahay Dastuurka ay dhaqaan,waxa uuna Carabka ku dhuftay in Maamulka Soomaaliland uu Heshiis la gali karo Dalka walba oo dunida ku yaala sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaate hadalka ka soo baxay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wayo-gelinta Maamulka Soomaaliland,ayaa waxa uu imaanaya Xili Maalintii shalay ay Dowlada Soomaaliland ay si kulul uga hadashay Heshiiska uu Maamulka Soomaaliland ugu Wareejiyay Dekada Magaalada Berbara Shirkada Dp World ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta,arintaas oo ay Dowlada Soomaaiya ay ku sheegtay in ay talaabo adag ka qaadi doonto.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan