Home / WARARKA / Dhageyso:-Ciidanka Dowlada iyo Kuwa M/Konfur Galbeed oo la tilmaamay in Xarun Muhiim ah ay ka sameeysteen Wada isku Xirta..

Dhageyso:-Ciidanka Dowlada iyo Kuwa M/Konfur Galbeed oo la tilmaamay in Xarun Muhiim ah ay ka sameeysteen Wada isku Xirta..

Xasan Cali Xasan Guddoomiya Degaanka Daynuunaay oo wareysi gaar siiyay Danan, ayaa sheegay in Ciidamada Koonfur Galbeed oo garabka helaya kuwa Dawladda dhexe ee Soomaaliya ay saldhig ka sameeyten wadada isku xerta Daynuunaay iyo degmada Buur-hakaba waxaa uuna sheegay in halkaasi laga xoojinayo Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab sidoo kale ay Ciidamadu bilaabayeen hawlgal qorsheesan oo ka dhan ah Al-shabaa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degaanka daynuunaay ayaa hadalkiisa intaa ku daray in ciidamada aysan iska fadhindoonin markaan wixii ka dambeeya ayna billaabi doonaan dagaalkoodi ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Al-shabaab ay uga saari lahaayeen Deegaanada ay kaga sugan yihiin Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya,lagana dul qaado dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyed sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha

Riix Halkan