Home / WARARKA / Dhageyso:-Heshiiska Maamulka Soomaaliland uu la galay Shirkad laga lee yahay Dalka Imaaraad Carabta oo sharci daro lagu tilmaamay

Dhageyso:-Heshiiska Maamulka Soomaaliland uu la galay Shirkad laga lee yahay Dalka Imaaraad Carabta oo sharci daro lagu tilmaamay

Abuukaate Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo la hadlay warqabadka Raadiyaha Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay inay sharci darro tahay Heshiiska Maamulka Soomaaliland ay la gashay Shirkad laga leeyahay Dalka imaaraadka Carabta ee DP WORLD, waxaa uuna Tilmaamay in Maamulka Soomaaliland aysan ahayn Maamul madaxbanaan Heshiisna lala gali Karin Dowlado Shisheeye.

Abuukaate cabdiraxmaan ayaa Carabka ku dhuftay in heshiis ay wada gali karaan laba dawladood oo madax banaan balse Maamulka Soomaaliland ay ka mid tahay Maamul Goboleedyada dalka ka Jira sida uu hadalka u dhigay.

Abuukaate Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay ufuran tahay inay dacwo kusoo oogto Dawladaha imaaraadka iyo Ethiopia kuwaas oo lagu eedeenayo inay fara gelin ku hayaan Arrimaha soomaaliya sidoo kale ay meel kaga dheceen Madaxbanaanida Dalka soomaaliya.

Hadalka abuukaate cabdiraxmaan ayaa imaanaya xilli maalin ka hor maamulka soomaaliland ay la gshay heshiis dhinaca dhisida Dakada Barbara shirkad laga leeyaha dalka imaaraadka iyo waliba Ethiopia waxaana sidoo kale dawlada soomaaliya ay kasoo saartay war murtiyeed ay kaga soo horjeedo Heshiiskaasi saddex Geesoodka ah.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Abuukaate

Riix Halkan