Home / WARARKA / Dhageyso:-Al-shabaab oo la shaaciyay in Degmo ka tirsan G/Jubbada Hoose ay sameeysteen Seylad ay Dadka ku iibsadaan

Dhageyso:-Al-shabaab oo la shaaciyay in Degmo ka tirsan G/Jubbada Hoose ay sameeysteen Seylad ay Dadka ku iibsadaan

Maxamed Cabdulle Cali oo ah Afhayeenka Degaanka Gudhaa ee Goholka Jubadda Hoose,oo wareysi gaar siyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in wali ay wadaan Howlgalkii Al-shabaab looga saarayay Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubadda Hoose,islamarkaana ay joojin doonin ilaa iyo laga saarayo degaandasi.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa Carabka ku dhuftay in Al-shabaab ay Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Hoose ee ayaga gacanta ku hayaan ay ka sameeysteen halkaasi Seylad ay Dadka ku iibsadaan taas uu ku micneeyay in qof walbo oo ay qabsadeen ay Ehaladiisa ay lacag madax furasho ahaan ay kaga qataan,waxa uuna hoosta ka xariiqay in lacagta ay Al-shabaab ay Dadka ay qabsadaan ay ka qataan ay dhantahay 1000 iyo ilaa 1,800 oo dollar sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka Degaanka Gudhaa ee Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in qorsho cusub oo Al-shabaab Arrimahasi wax looga qabanayo ay wadaan si loo yareeyo dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan Shacabka ku Nool Gobolka Jubbada Hoose.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameeystiran

Riix Halkna