Home / WARARKA / Dowlad Dalka Burundi oo Xaqiijisay in Ciidamo looga dilay Dagaal ka dhacay Gobolka Sh/ Dhexe

Dowlad Dalka Burundi oo Xaqiijisay in Ciidamo looga dilay Dagaal ka dhacay Gobolka Sh/ Dhexe

Barqanimadii Shalay ayey aheyd Markii Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidanka Dowlada uu ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo socda Mudo Saacad ka badan ayaa waxa ka dhasahay Khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona Al-shabaab ay la waregeen Gacan ku heyta Degmada Balcad inkasto Markii dambe ay iskaga baxeen.

Dhanka kale Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Burundi waxa ay tilmaamtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonaayaan in ku socdaalaan wada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in dowladda Burundi ay aad uga naxday geeridda Askartaasi, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale uu beeniyay in weerarkaasi looga dilay ku dhawaad 20 Askari, waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay in aysan jirin Gaadiid looga gubay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.