Home / WARARKA / Faah Faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Faah Faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo ahaa wado gaari laga soo buuxiyay waxyaaabaha qarxa ayaa ku dhintay 3-kalana Dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Dowlada fedraalka soomaaliya.

Qaraxan gaaari ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Siinka Dheer waxaana la sheegayaa inuu dhacay xili baaritaan ay wadeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyadoona la tilmaamayo in gaariga qarxay uu ku soo jeeday magaalada muqdisho sida aynu ka soo Xiganay saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladsa soomaaliya.

Qaraxan ayaa imaanaya xili baaritaano culus ay wadaan ciidmada dowlada soomaaliya islamarkaana kulan amniga dalka looga hadlayo ay wada qaateen saraakiisha ciidamada Dowlada somaliya ka dib qaraxyadii 23-kii bishii hore Ee feebaraayo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada hay’adaha amniga dalka soomaaliya kama aysan hadlin qaraxan gaaari Ee maaanta ka dhacay Deegaanka siinka dheer Ee Duleedka Magaalada muqdisho.