Home / CIYAARAHA / Chelsea Oo Qorshaynaysa inay Mushaarka U Kordhiso Edan Hazard

Chelsea Oo Qorshaynaysa inay Mushaarka U Kordhiso Edan Hazard

Kooxda ka dhisan Horyaalka Ingiriiska ee Chelsea, ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan inay heshiiska u kordhiyaan Laacibkooda Edan Hazard, iyagoona doonaya inay Mushaarka u kordhiyaan.

Maamulka sare ee Kooxda Chelsea,ayaa Damacsan inay Mushaar ahaan Hazard u siiyaan Lacag dhan 300,000 oo Ginni Isbuucii.

Mustaqbalka Xidiga reer Belgium, ayaa shaki la galinayay, iyadoona Laacibkaan heerka Caalami la xiriirinayo inuu ku biiri karo Kooxo kale sida Kooxda Real Mari doo si weyn Xiddigaan ugu raad joogtay.

Sida ay daabacday Daily Mail, Chelsea, ayaa u sheegtay Kooxaha Danaynaya Laacibkaan in lagu heli karo Lacag dhan 200 Milion, haddiiba ay doonayaan inay la wareegaan Xiddigaan Hazard lagu Magcaaabo.

27-Jirkaan, ayaa mar uun ku riyoonaya inuu ku biro Koooxda ka dhisan Caasimada Dalka Spain ee Real Madrid.