Home / WARARKA / Siihayaha Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Wariye ku Geeriyooday Muqdisho

Siihayaha Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Wariye ku Geeriyooday Muqdisho

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan iidaan Yoonis oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Colaad oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Mudane C/raxmaan iidaan Yoonis ayaa Ehelada marxuumka iyo guud ahaan bahda saxafadadda uu ka tirsanaa uga tacsiyadeeyey geeridiisa,wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka Waraabiyo.

Alla haunaxriisee Marxuum Wariye Axmed Xasan Colaad oo in muddo ah ku xanuunsanayay Muqdisho ayaa xalay Saqdii dhexe ku geeriyooday Isbital kuyaala Degmada Boondheere,sida ay sheegeen Eheladiisa.

.