Home / WARARKA / Dowladda Turkiga oo cambaaraysay weerarradii xalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga oo cambaaraysay weerarradii xalay ka dhacay Muqdisho

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga ayaa si weyn loogu cambaareeyay weerarradii Xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay Dadka badani ku dhinteen.

“Naxariista Alle ayaan u rajeyneeynaa kuwa ku geeriyooday weerarrada, waxaan u tacsiyeyneeynaa Qoysaska ay Dadkoodu weerarrada ku dhinteen,kuwa dhaawacmayna Alle ayaynu caafimaad deg-deg ah ugu rajeynaynaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay joogtayn doonto Garab istaagga Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ee ay walaaltinimadu ka dhaxayso, kuwaasoo wajahaya bay tidhi weerarro argagixiso,ayaa lagu War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.