Home / WARARKA / Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo gaba gabeeyay shir muhiim ah +Sawirro

Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan ku soo gaba gabeeyay shir muhiim ah +Sawirro

Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda Hey’adda Qaramada Midooway u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO).

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xirutaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.,iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa alami gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo Dowladda Soomaalilya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in shirkaasi xoogga lagu saaray waxqabadka hey’adda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa adeegyada beeraha .

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir) ,waxaa kale oo uu soo sheegay in Wasiirka Beeraha iyo waraabka Dowladda Soomaalilya Saciid Xuseen Ciid uu kulamo gaar ah uu la qaatay Gudoomiyaha Hey’adda FAO iyo Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika ee ka soo qeyb galay shirkaasi

Sawirro