Home / WARARKA / Dhageyso:-Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee G/Gedo,oo beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinada Muqdisho

Dhageyso:-Taliyaha Booliska Degmada Baardheere ee G/Gedo,oo beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinada Muqdisho

Taliyaha booliska baardheere ee Gobolka Gedo,cabdi shiiq xasan ciyoow oo Wareysi gaar ah siyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho, ayaa beeniyay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay kaas oo ku aadanaa in degmada baardheere afaafkeeda uu ka dhacay dagaal u dhaxeyay Al-shabaab iyo Ciidamada ee halkaasi Saldhiga ku lahaa.

waxa uuna sheegay in wararkaasi ay wax kama jiraan yihiin isla markaana ay ka maqleen kaliya Magaalada muqdisho balse aan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Baardheere oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in waqti kasta ay isa soo dhiibaan saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab taasina ay u tahay fursad ay xarakada Al-shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin degmada baardheere ee Gobolka Gedo.

Maalmihii lasoo dhaafayay ayey ahayd markii warbaahinta qaar ay Baahiyeeen warar ku aadan in Degmada Baardheere Afafka hore ee Garoonka Diiyaradaha oo ay saldhig ku laheeyn Ciidamada Itoobiya ay Weerareen Dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso
Riix Halkan