Home / WARARKA / Dhageyso:Balan qaad uu Hor u sameeyay Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali aysan waxba ka soo bixin

Dhageyso:Balan qaad uu Hor u sameeyay Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali aysan waxba ka soo bixin

Jaamac xayle Gudoomiyaha Degmada balanballe ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay Idaacada danan ee Magaalada Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay heshis la dhex dhigay beelo walaala ah oo wada daga demada ballanbale waxa uuna hoosta ka xariiqay inaysan soo laaban doonin dagaalka dhex maray beelahaas waxa uuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska.

Sidoo kale Guddoomiye jaamac xayle guddoomiyaha degmada ballanbale ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo uu dhagax dhigay xarumo badan balse aan wali laga hawl galin sidii loo dhisi lahaa waxa uuna ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in ay ka dhabeyso balan qaadkii ay horay u sameysay taas oo ay wada sugayaan Shacaba ku Degmada Ballanbale ee Gobolka Galgaduud.

Si kastaba degmada ballanbale ayaa waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo u dhaxeya beelo walaala ah oo wada daga degmadaas inkastoo hadda la dhex dhigay heshiisyo nabadeed.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan