Home / WARARKA / Mas’uuliyiin sare oo socda Hir-shabeelle oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Mas’uuliyiin sare oo socda Hir-shabeelle oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Hogaamiyaha Dowlad Goboledka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare,ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti,kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalka Jubuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada Mas’uuliyiin ayaa waxa uu ka dhacay Madaxtooyada Dalka Jabuuti,waxaana inta uu socday kulanka ay kawada hadleen labada Mas’uul Arrimo dhowr ah iyo sidii Dowlada Jabuuti ay uGu qeyb qaadan laheyd sidii Howlgal ay wadaan Soomaaliya gaar ahaan Degaanada Hir-shabeelle ay u sii Xoojin laheeyn,madama ay ka mid yihiin Ciidamada Jabuuti kuwa Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale Hogaamiyaha Hir-shabeelle ayaa waxa uu dhinaca kale ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,in uu ka tageero sidii Degaanada uu ka arrimiyo Maamulka Hir-shabeelle loo hormarin lahaa.

Socdaalkan uu Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle uu ku joogo Dalka Jabuuti waxa ku Wehliyaha Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,iyo Saraakiil ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan,kuwaas oo Madaxweynaha Warbixin ka siiyay Xaaladaha Guud Hiiraan iyo Howlgal AMISOM ee qeyb ka tahay Dowlada Jabuuti.

Dhanka kale Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti,iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Dalkaasi.

Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu u Mahad celinayo Soo dhaweeynta loo sameeyay asiga iyo Wafdiisa,waxa uuna sidoo kale Xusay in Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ay door weyn ka qateen Nabadeeynta iyo Amni soo Celeynta Degaanada Hir-shabeelle intiisa badan.