Home / WARARKA / Faah Faahin ka soo baxeysa qarax Dad Shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay G/Sh/Hoose

Faah Faahin ka soo baxeysa qarax Dad Shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay G/Sh/Hoose

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku Geeriyooday In ka badan shan kalana wey ku dhawacmeen,kadib markii Gaari Dad shacab ah ay saarnayeen ay Miino Nuuca dhulka lagu Aaso ay kula qaraxday Degaanka Bunqabad ee katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

qaraxa ayaa la sheegay in uu haleeyay Gaariga Xamuul ah oo ay la socdeen Dad Shacab ah oo marayay Degaanka Bunqabad oo duleedka ka ah Degmada Baraawe,waxaana la sheegay in Dadkii ku dhaawacmay qaraxasi loo qaaday Isbitaalada ku yaala Degmada Baraawe.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ayaa ino sheegay in qaraxa uu haleeyay Gaariga Dad Shacab ah ay saranayeen,islamarkaana waxa uu tilmaamay in Dadka dhintay dhammaantood ay ahayeen Dad shacab ah.

Guddoomiyaha ayaa Carabka ku dhuftay in Dadkii ku dhaawacmay qaraxa lagu dabiibayo Isbitaalka Degmada Baraawe,waxa uuna ku Edeeyay in qaraxa lala eegtay Gaariga Dad shacabka ah ay ka dambeyaan sida uu hadalka u dhigay Al-Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd Markii Gaari Dad shacab ay Saarnayeen Miino kula qaraxday Degaan duleedka ka ah Degmada Baraawe,qaraxaasi oo ay ku dhinteen ilaa iyo Saddax qof oo shacab ah ayna sidoo kale ku dhawacmeen labo qof oo kale.