Home / QORMOOYIN / Dhageyso:-GANACSATADU GAR LEH, XUKUUMADDUNA GAR LEH,MAXAASE LA ISKU GEFSAN YAHAY ? (Faalo)

Dhageyso:-GANACSATADU GAR LEH, XUKUUMADDUNA GAR LEH,MAXAASE LA ISKU GEFSAN YAHAY ? (Faalo)

Dal waliba dadkiisa ayaa dhista, kuna dhista wax soo saarkiisa haddii ay ahaan lahayd dhinaca Warshadaha, Beereaha iyo Xoolaha, gaar ahaana Waddamada hore u maray badankooda Dhaqaalahooda ayaa waxa uu yahay mid ku tiirsan ka sokoow Warshadaha Cashuurta ay bixiyaan Muwaaddiniinta Dalalkaa u dhashay.

Dalalka hore u maray Dastuurka iyo Shuruucda u degsan waxaa ka mid ah in Muwaaddinka u dhashay Dalkaas xaq loogu leeyahay bixinta Cashuuraha, gaar ahaana Siyaasiinta Xilalka kala duwan ka qabanaya Dalalkaas ayaa Faylkooda dib loo baaraa si loo ogaado inuu Cashuurta bixin jiray iyo inuu ahaa Shakhsi ka dhuunta ama la dhuunta taasoo hadii ay cadaato in Cashuuraha ku waajibay uu san bixinin ku waaya xilkii uu doonaayey

Muwaadiniinta u dhalatay Dalalkaas ayaa markooda hore waxaa lagu soo tarbiyeeyaa Dareen Waddaniyeed ee Muwaaddinka baraya Waajibaadka looga baahan yahay ee Dastuuriga ah in Cashuurtu qayb ka tahay sidaa darteedna uu ku qasban yahay inuu iska bixiyo isagoo og ama ku tala galaya in Lacagahaas laga qaaday isaga dib ay ugu soo noqonayso, looguna qabanayo adeegyada uu u baahan yahay sida wax barashada, Caafimaadka, Amniga iyo wixii soo raaca.

Muwaadinka ku soo bar baara Waddaniyadaa iyo Dareenkaa Waddaniyadeed ayaa keenaya in uu qofku garwaaqsado Cashuurta iyo waxa looga go. Leeyahay in ay tahay keyed isaga u yaala, berina wax loogu qabanayo.

Dalkeena Soomaaliya ka hor bur burka nidaamkaas wuxuu ahaa mid taaba galay, Dhaqaalaha Dalkeenuna wuxuu ku tiirsanaa ka sokoow Beeraha iyo Xoolaha Cashuurta ka soo xaroota Ganacsatada Soomaaliyeed ee uu ku abuurnaa Dareen Waddaniyeed kuna buraarugsanaa Adeegyada aan qarsoonayn ee loogu qabanayo, sida Jidadka, Biyaha, Ilayska, Caafimaadka, Amniga, Nadaafadda, Is Gaarsiinta, Cadaaladda wax barashada iyo wixii soo raaca kuwaasoo dhamaantooda ahaa kuwa muuqanaya Shacabkuna uu Marqaati ka ahaa wax qabadka Xukuumadihii Dalka soo maray gaar ahaana Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ee Kacaanka ahayd.

Xukuumadda ayaa shacabkeeda ku wacyi gelin jirtay bixinta Cashuuraha, guud ahaana Dadku wuxuu ahaa mid u hoggaansan bixinta Cashuuraha iyagaana si mutadawacnima ah u gayn jiray goobaha Cashuuraha lagu qaado halka maanta aad arkayso Dad Hubaysan oo leh Cashuur baa la qaadayaa oo waddooyinka taag taagan nidaamkaas oo aan wax badan ka duwanayn Siyaasaddii Jabhadeed ee Shacaka Lacagaha looga qaadi jiray ama si kale haddii aan u dhigo Isbaaro.

Ganacsatadu Gar leh, marka aan fiiriyo dabcan waa mid sax ah maxaa yeelay ganacsatadii soo hana qaaday Mudadii uu Dalku bur burka ku jiray waxay ahaayeen kuwo ku soo Indho Bikaacsaday Cashuuro ay qaadanayaan kooxo Jeebkoodu uu u yahay Keeyd Banggi, waxayna u yaqaaniin Cashuurtuba in ay tahay mid si toos iyo dadaba ugu dhacaysa Jeeb Shakhsiyadeed, markaa wuu ku qasban yahay inuu iska diido bixinta canshuurta uu u arko baad laga qaadayyo

Xukuumaduna gar leh markaan iyaduna dul sitaagno waa sax whyo waxeey ka gaabisay doorkeedii ahaa in ganacsatadu ay barto iyo dadweeynahaba in cashuurtu ay tahay mid dalka dib loogu dhisaayo waxaana meesha ka maqan halku dhigyadii lagu yaqiinay nidaam doolwi sida baraarujintii iyo wacyigilintii bulshadeed sidaasna ay aheyd in lagu baro shacabku waxa lagu qabanaayo canshuuraha si ficliyan ahna logu soo bandhigo wax qabad muuqda maxaa yeelay dadka qaarkii waa indho ku garaadle oo waxey yaqaanan isusi oo itaabsii

Hayeeshee markii aan u kala gar naqno ganacsatada gadoodsan iyo xukuumadda garan la waxa leeys ku gafsan yahay waxey tahay aragtidu in lafuro wadahadal toos ah oo si saraaxadleh u wada hadlaan labada dhinac si meesha looga saaro tuhunka gaamuray oo ay ganacsatadu qabto gaar ahaan ganacsatada dhankeeda waxaa lagud boon in fakir kooda iyo aragtiyadooda si waadax ay u soo bandhigaan muujiyaana waxa ay cabashada tahay halka ay xukuumaduna ay la gudboontahay ka hor inta ay san go’aanka ku boodin in ay sameeyso taxliil siyaasadeedana ay cadeeyso iyadoona ugu horeenba looga fadhiyo barnaamijyo joogto ah oo wacyi gelineed

Guntii iyo gabo gabadii ayuu leeyahay qoraha faaladu ganacsi la xayira iyo midi midi ku taag waa mid aan dan u aheyn shacabka soomaaliyeed oo la daalaadhacaaya xaalado dhaqaalo xumi iyo duruufo waayuhu ay badan baaquna ha ahaado bulshayahaay

W/D/ Ustaad Aadan macalin C/laahi Aadaamow

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan