Home / WARARKA / Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga oo ku soo Wajahan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga oo ku soo Wajahan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo,ayaa lagu wada in Todobaadka soo socda uu booqan doono Soomaaliya iyo Suudaan.

Warbaahinta Dalka Turkiga ayaa baahineysa in Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga,uu marka uGu horeeyso uu booqan doono Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan,halkaasna uu kalamo kula qaadan doono dhigiisa Dalka Suudaan Bakri Hassan Saleh.

Waxaana Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka Turkiga Mr Hakan Ogolo, Safarkiisa ku Wehliya Wasiiro ka tirsan Dowlada Turkiga,waxaana la tilmaamay in Mudo labo Maalin ah uu joogi doono Magaalada Khartuum,isagoona la sheegay in sidoo kale uu booqan doono Jaziirada Suakin,si ay u qimeeyaan Mashruuca dib u dayactirka Xarunta dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay hergilineyso Hey’adda TIKA ee laga lee yahay Dalka Turkiga.

intaas kadib ayaa waxa la sheegay in Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Turkiga in uu imaan doono Soomaaliya,waxaana Ujeedka uu u imaanayo Soomaaliya ay tahay in uu kormeero Saldhiga Turkiga uu ka dhistay Muqdisho oo Ciidamo ka tirsan Dowlada lagu Tababaro,waxaana sidoo kale la sheegay in uu kormeeri doono Dhulka Maamulka Goboka Banaadir uu ku Wareejiyay,kaas oo laga dhisayo Xarun lagu tababaro Ciidamada,waxa uuna ku yaalla Degeenka Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa ah Dowlada ugu badan ee Tageerta Dowlada Soomaaliya,iyadoona Booqashada uu Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka Turkiga ay qeyb ka tahay Tageerida ay Turkiga ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliya.