Home / QORMOOYIN / Dhageyso:-DADAALKA XUKUUMADDA FEDERAALKU WAA FAANOOLE WELI FARI KAMA QODNA (Faalo)

Dhageyso:-DADAALKA XUKUUMADDA FEDERAALKU WAA FAANOOLE WELI FARI KAMA QODNA (Faalo)

Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (-Farmaajo-) oo iminka jirsatay muddo Hal Sano iyo Toban Casho ayaa isla xisaabtanku durbaba waxaa la is weeydiinayaa, ballan qaadyadii ay hore u gashay Dawladdu maxaa ka fulay, maxaa la taaban karaa oo ay qabatay, ma jiraan wax u qabsoomay iyo su’aalo kale oo aad u fara badan in kastoo xilliguba ahaa mid aan sidaa u sii badnayn.

Kooxaha wax dhaliila kana hadla Siyaasadda Soomaaliya ayaa inta badan Xukuumadan ku dhaliila arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha Dalka, Dib u heshiisiintii Qaran, dhamays tirkii Dastuurkii Qabyada ah, wada hadaladii Xukuumadda iyo Maamulka Soomaali Land iyo guud ahaan Ammaanka Dalka oo gebi ahaanba aan wax badan laga qaban, sidaa darteedna waa sida ay Mucaaradku ku doodayaane in xalku uu yahay in Xukuumadda ay meesha ka baxdo dibna loo soo dhiso Dawlad ka dhabaynaysa ballan qaadyadeeda.

Kooxahan ayaa marar badan soo jeediyay is bedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada ee uu Wasiirka koowaad hormuudka ka yahay maadaama mudadii ay joogeen aysan wax muuqda qaban, kalsoonida Shacabkuna ay tahay mid hoos uga sii sibqaysa Xammaasaddii iyoi Taageeradii loo hayay Xukuumadda Farmaajo mudadii ay socotay Ol olaha Doorashada iyadoo lagu qiimeeyay in is beddel dhab ah ay la imaan doonto kana dhabayn doonto hal ku dheggeedii ahaa Nabad iyo Nolol, balse ay taa noqotay waa sida ay warka u dhigeenee La Mood Noqon weydayse.

Dhinaca kale marka aan ka eegno isla markaana is bar bar dhig ku samaynayo mudadii jiritaankeeda Xukuumadda iyo wax qabadkeeda xaqiiqdii waxaa la dhihi karaa wax qabad wuu jiraa, sheekada ugu qaalisan ee Quluubta Muwaadiniinta Soomaaliyeed weli kla sii qooyan ayaa ah Tallaabadii Geesiniumada lahayd ee Xukuumaddu u qaadday sidii Muwaadiniin Soomaaliyeed ee Jeelalasha Caalamka ku Saxriirsanaa iyo dadaalkii ay u gashay sidii Maxaabiistaas looga soo sii deyn lahaa Xabsiyada qaarkood ay ku Curiyaameen iyagoo aan haysan wax daryeel Xorriyad iyo Xuquuqul Aadami ah arrinkooduna ahaa mid la iska ilaabay.

Sanadkii aynu soo dhaafnay iyo kan iminka bilowga ah waxaa Xukuumadda u suurta gashay in Ciidooda Hooyo ay dib ugu soo celiso Muwaadiniin Soomaaliyeed eek u xir xirnaa Dalal qaarkood ciddii u gacan gashaa in dib loo helo ay tahay dhif iyo Naadir.

Taariikhda ayaa xusi doonta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee maalinimadii shalay laga soo dejiyay Gegida Caalamiga ee Magaalada muqdisho kuwaasoo laga soo dhoofiyay Dalka Liibiya oo aan ognahay Arxan darada iyo sida Binu’aadanimada ka baxsan ee Kooxaha Magafayaasha loo bixiyay ay ula dhaqmaan Dadka gacanta ugu jira, kuwaasoo xitaa mararka qaar ay dhacdo in hab Addoonsi ah ay kula dhaqmaan dadka ay ka qabsadaan Xeebaha Dalkaas.

Muwaadiniintaas ayaa markii ay soo caga dhigatay Diyaraddii sidday qaar ka mid ah Qiiro waddaninimo ay la ilmeeyeen halka qaarna ay rumaysan waayeen in iyagoo bed qaba Magaaladoodii dib ugu soo noqdaan Soomaaliyana ay ku soo laabtaan iyagoo ka madax banaan Xabsigii bilaa Xadka ahaa ee ay ku xirnaayeen.

Xikmad baa jirta tiraahda wax la Beerto Dad ayaa u qiima badan haddii Dadkaas Soomaaliyeed oo muddo iska xirnaa Xukuumaddu ku guulaysatay in iyagoo Nabad qaba in Dalkoodii Hooyo dib ugu soo celiso tallaabadaas oo ah mid qiimeynteeda muydnaanteeda leh, maxaa yeelay xukuumadda waajibaadka dul saaran waxaa ka mid ah in ay bad baadiso Shacabkeeda, Sharafta Calanka iyo Qaranimada Soomaaliyeedna Geed Dheer iyo mid gaabanba uu Fuusho.

DADAALKA XUKUUMADDA FEDERAALKU WAA FAANOOLE WELI FARI KAMA QODNA marka aan dhinac kale u dhigno waxaa looga fadhiyaa xukuumaddu inay wax ka qabato wax yaabo badan sida dhamays tirka Dastuurka oo sida qorshahu yahay sanadku marka uu yahay 2021ka in Dalku ay ka dhacdo Doorasho qof iyo Hal Cod ah, sidoo kale hir gelinta Axsaabta Siyaasadeed oo gun dhig u ah dib u soo dabbaalidda Diimoqradiyadda Soomaaliyeed.

Isku soo wada Xooriyoo Xukuumaddu dadaalka ay waddo waa mid u baahan Dul qaad Karti iyo dadaal dheeri ah iyadoo marnaba aan isu dhiibayn Dhawaaqa Dhaliileed ee ka soo yeeraya Kooxaha Isha qura wax ku eega qiimeyntoodana ku saleeya in Soomaaliya marnaba abid ayan ka bixin xaalad jah wareer Siyaasadeed iyo Dhaliilo aan dhamaansho lahayn wax ay dhisayaana aysan jirin.

W/D. Al-Ustaad Aadan Macalim (-Aadaamo-).

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan