Home / WARARKA / Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degaan ka tirsan Gobolka Sool

Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degaan ka tirsan Gobolka Sool

Wararka anu ka helayo Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad Dagaal Maanta laga dareemayo Deegaankaasi,taas oo u dhaxaysa Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka jiraan jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq isla markaasna Heegan Ciidan ay ku jiraan Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo mid walbaaba dhankiisa kawado abaabul dagaal si uu uga hor tago weerar kasta oo kasoo wajaha kan kale.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa ka dhawaajiyey in ay ka Go’an tahay qaadista dagaal culus oo ay ku bartilmaameedsanayaan Ciidamada Soomaaliland si ay uga qabsadaan deegaano hor leh, iyagoona qaarkood sheegay in ay jabin doonaan amar kasta oo ka soo baxa Madaxtooyada Puntland si loo baajiyo Dagaalkaasi.

Sidoo kale Ciidamada Soomaaliland ayaa iyaguna jira difaacyo Ciidan si ay uga hor tagaan Dagaal kasta oo kasoo wajaha Ciidamada Puntland, waxaana Saraakiisha Ciidamadaasi lagu amray in ay ka hor tagaan Dagaalkasta oo kaga yimaada dhanka Puntland.