Home / WARARKA / Ciidamada Dowlada oo Shabaab ka saaray Degaanka Sablaale ee G/Sh/Hoose

Ciidamada Dowlada oo Shabaab ka saaray Degaanka Sablaale ee G/Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Kuwa Midowga Afrika EE  AMISOM oo ka ruqaansaday degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa  maanta gaaray degmadda Sablaale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxda laga itaalka roonaaday ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in degmadda Sablaale gacanta ay ku hayaan Ciidanka xoogga dalka, isagoo xusay in Xaaladda degmadda ay tahay mid degan, uuna socdo Baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ciidammada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin deegaano kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Nabad diidka Alshabaab.

Xigashi Sonna

Leave a Reply