Home / WARARKA / Dhageyso:Al-Shabaab oo la sheegay in Khasaaro Xoogan la gaarsiyay lagana qabsaday Hub

Dhageyso:Al-Shabaab oo la sheegay in Khasaaro Xoogan la gaarsiyay lagana qabsaday Hub

Xildhibaan C/Shakuur Yaquub oo ka mid ah Xildhibaanada Konfur Galbed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Maamulka Konfur Galbeed oo Wareysi gaar ah siyay Idacaadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Xalay Saqdii dhexe ay Weerareen ku soo qadeen Saldhiga Ciidamada Maamulka Konfur iyo kuwa Dowladda ay ku lee yihiin Waqooyiga Degmada Waajid ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka oo socday daqiiqado kooban,waxa uuna intaas ku daray in Khasaaro Xooggan ay gaarsiyeen Shabaabka Weerarka soo qaaday ayna ka dileen 6 ka mid ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab,ayna ka qabsadeen labo qori sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Guddiga Amniga Maamulka Konfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Konfur Galbeed aysan wax Khasaaro ah aysan soo gaarin,waxa uuna tilmaamay in Shabaabka ay baryahan dambe ay ayaga baxsad yihiin,ayna sii balaarin donaaan Howlgalka ay wadaan.

Sidoo kale Xildhibaan C/Shakuur Yaquub ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Konfur Galbeed ayaa Carabka ku dhuftay in Ciidamada ay Saakay Howlgal ka sameyeen ilaa 28-KM meel u jirta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,islamarkaana Amniga Degmada uu yahay mid laisku Haleen karo.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Leave a Reply