Home / WARARKA / Al-shabaab oo Malaayiin doollar ka hela Gargaar loogu tala galay Soomaaliya

Al-shabaab oo Malaayiin doollar ka hela Gargaar loogu tala galay Soomaaliya

TV-ga ugu Afka dheer dalka Mareykanka ee lagu magaacbo CNN ayaa baahisay in Dhaqdhaqaaqa Alshabab ee kadagaalanta gudaha dalka Soomaaliya in ay Maliyiin dollar kahelaan Sanad walba gargaarka ay dowladaha reer galbeedka ay siiyaan Soomaaliya.

TVGa CNN ayaa baahiyay in baaritaan uu Sameeyay uu kusoo ogaaday in lacago uu sheegay in sitoos ay Qaramada Midoobay usiiso dadka barakacayaasha ah ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya ay haatan ku dambeeyaan gacanta dhaqdhaqaaqa Alshabab.

Muuqaal baahiyahaan laga leeyahay dalka Mareykanka oo sooxiganaya masuul islamarkaana ah Sarkaal katirsan hay’adda Siedoonka dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu horey uuga tirsan ururka Alshabab ayaa tilmaamay in ay Alshabab Kumaan kun oo Dollar ay maalinkii kasameeyaan canshuur ay kaqaadaan gargar ka yimaaday Qaramada Midoobay.

Warbixinta ee baahisay Warbaahinta CNN ee dalka maraykanka ayaa lagu sheegay in ay tani dhabar jab weyn ah ku tahay qorshaha lagula dagaalamayo Xarakada Alshabab ee ka dagaalanta gudaha dalkaSoomaaliya iyoWadamada deriska laah.