Home / WARARKA / Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowlada oo Muqdisho lagu dilay

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowlada oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo ku Hubeysana Bastoolado ayaa Barqanimadii Maanta Sarkaal ka tirsana Ciidanka Milatariga ee Dowlada Soomaaliya waxa ay ku dileen Xaafada Kaawo-Godeey ee Degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa waxa Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Tima Cadde,waxaana la tilmaamay in uu ahaa Tababare Ciidan sida ay ino xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada.

Dhanka kale Sarkaalka la dilay ayaa waxa la sheegay in Xiliga dilka loo geysnayay uu ku sugna Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir,waxaana tilmaamay in Ragii dilka geystay ay Goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa Barta ay Internet-ka ku lee yihiin waxa ku shegteen in ay ka dambeyeen dilka Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milatariga ee Dowlada Soomaaliya.

Leave a Reply