Home / WARARKA / Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay Xarunta Degmada Yaaqshid

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay Xarunta Degmada Yaaqshid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisoow),ayaa Maanta dhagax dhigay Xarunta Degmada Yaaqshid oo dib u dayactir lagu sameeynayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go,an tahay dhismaha Xarumaha Dowladaha Hoose ee Xamar si loo daboolo baahiyada ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed,waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay Guddoomiyaha in ay ka qeyb qataan sidii dib u dhis loogu sameeyn lahaa Xarumaha Danta Guud ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa Xusay in marwalba Maamulka Gobolka Banaadir ee asiga uu Hogaamiyo ay diyaar u yihiin in wax walbo ay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahan Shacabka ku Nool Muqdisho ay u baahan yihiin in ay Dabooli donaan.

Munaasabada Dhagax dhiga ayaa waxa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka,Maamulka Gobolka,kan Degmada iyo Dadweyne kale kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey Diiranaanta isku tashiga Shacabka ku Nool Degmada Yaaqshid ee Gobolkan Banaadir