Home / WARARKA / Ciidamada Dowlada oo iskaga baxay Degaan ay kala waregeen Al-shabaab

Ciidamada Dowlada oo iskaga baxay Degaan ay kala waregeen Al-shabaab

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose,ayaa waxa ay shegayaan in Ciidamada Dowlada ay iskaga baxeen Degaanadii shalay ay kala waregeen Al-Shabaab sida aan wararka ku helnay.

Ciidamada oo garab ka heleya kuwa Cadaan ah ayaa Aroornimadii shalay la wareegay Tuulooyinka hoostaga Degmada Afgooye sida ,Awdheegle,Sabiib,Bariire iyo Tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolkaasi.

Saraakisha Ciidanka Dowlada ee ku sugan Gobolka Shabeelllaha Hoose,ayaa sheegay in Howlgalkii shalay ay ku qadeen Degaanada ay Al-Shabaab Maamuli jireen,ujeedka ay ka la hayeen ay aheyd in ay Burburiyaan Koontaroolada ay ku lee yihiin Degaanadaasi.

waxa ay Saraakisha ay tilmaameen in Howlgalka ay sii wadi donaan ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Degaanada ay Gobolada Dalka ay ka Maamulaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Degaanada shalay ay la waregeen Ciidamada Dowlada ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab.