Home / WARARKA / Dhageyso:-Taliska Ciidanka oo sheegay in ay burburiyeen Gadiid qaraxyo saarna oo ku soo wajahnaa M/Muqdisho

Dhageyso:-Taliska Ciidanka oo sheegay in ay burburiyeen Gadiid qaraxyo saarna oo ku soo wajahnaa M/Muqdisho

Shaley ayey aheyd Markii Ciidamo ka tirsan Dowlada oo garab ka heleya Ciidamo Cadaan ah ay Howlgal ay kula waregeen Degaano ay Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka Maamuli jireen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxa ay Ciidamada kula waregeen Degaanada kala Mubaarak, Awdheegle, iyo Degaano kale oo ay Maamuli jireen Kooxda Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gerenal C/Laahi Cali Hanood,ayaa sheegay in Howlgalka ay ku burburiyeen labo Gaari oo qaraxyo ku Xirnaa kuwaas oo sida uu tilmaamay loo soo waday Magaalada Muqdisho,laakin ay ka hortageen.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay Gacanta ku dhigeen Hub Nuucyadiisa kala duwan sida Baasuukaha iyo Agab kale oo walxaha qarxa loo adeegsado,waxa uuna sheegay in ay ku gubeen Goobta si Bulshada aysan wax noqon.

Al-Shabaab ayaa Barta Internet-ka lu lee yihiin waxa ay ku shegeen in ay iska difaceen Weerarka kaga yimadaay Ciidamada Dowlada iyo Ciidamada Tageera Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan