Home / WARARKA / Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Waxa Warar dheraad ah ay ka soo baxayaan Weerar ay Al-Shabaab ay Xalay ku soo qadeen Saldhig Ciidamada Dowlada ay ku lee yihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa la sheegay in ay soo qadeen Al-Shabaab,uuna daba socdo Howlgalkii shalay ay Ciidamada Dowlada ay kula waregeen Degaanada Mubaarak,Awdheegle iyo Degaano kale oo ay Al-Shabaab horay u maamuli jireen.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro isku Jira dhimasho iyo dhawaac sida Saraakil ka tirsan Ciidanka Dowlada ay Xaqiijiyeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa sheegay in Shabaabka weerarka soo qaday ay ka dhaawaceen Saddax ka tirsan Ciidamadooda,islamarkaana khasaaro ka badan laga yaabo in uu jiro.

Dhanka kale waxa uu Sarkaalka hoosta ka xariiqay in Ciidamada Dowlada ay dhinacooda wax Khasaaro aysan soo gaarin,Xaaladana ay hadda Dagan tahay.