Home / WARARKA / Dhageyso:-Wasiirka Amniga Dowlad Goboledka Puntland oo arimo Xasaasi ka hadlay

Dhageyso:-Wasiirka Amniga Dowlad Goboledka Puntland oo arimo Xasaasi ka hadlay

Axmed C/Laahi Yuusuf Wasiirka Amniga Maamul Goboledka Puntland,oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,ayaa ka hadlay Xaalada Amni ee ka jirta Magaalada Boosaaso,iyo falalka Amni darada ahaa ee ka dhacayay Magaalada dhawahaan.

Dhanka kale waxa uu Wasiirka Amniga in Baaritaano kala duwan ay ku hayaan Falalka Amni darada ee dhawahaan ka dhacay Magaalada iyo dadkii ka dambeeyay arimahaasi.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Maamul Goboledka Puntland Axmed C/Laahi Yuusuf,ayaa la weydiyay Xilka ka qaadistii la sheegay in Guddiga Amaanka ee Gobolka Bari,ay ku sameyeen Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari,waxa uuna tilmaamay in ay jiraan arimahasi laakin uu hadda Warbaahinta uusan la wadageynin.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa carabka ku adeeyay in Ciidamada Dagaalka ay Habeen iyo Maalin ay ku jireen ayna soo mareen Magaalada iteeda badan,laakin waxa uu hoosta ka xariiqay in Raga Argagaxisada ee sameynaya Falka Amni darada hal mar kaliya ay guleysan karaan,laakin waxa uu tibaaxay in Ciidamada boqolkiiba boqol ay guleysan karaan Markasta sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan