Home / WARARKA / Dhageyso:-dil Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Dhageyso:-dil Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Ciidanka Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka warbixiyay Dil Qof Shacab ah loogu geeystay Xaafada Siinay ee Magaalada Haregeysa iyo Howlgal ay sameyeen.

Ciidamada Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa gacanta ku soo dhigay dil loo geystay Nin ka mid ah Dadka ka Xamaalatada ah Magaalada Hargeysa,waxaana dilkiisa ka dambeyay Nin kale oo asigana Xamaalatada ka mid ahaa,waxaana la tilmaamay in uu ku dilay Toorey sida Saraakisha Ciidanka Maamulka Soomaaliland ay Xaqiijiyeen.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliland Feysal Xiis oo Shir jar’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Maanta ka sameyeen Magaalada Hargeysa ay Gacanta ku soo dhigeen Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee Falka dilka ka dambeeyay.

Sidoo kale Afhayeenka kama uusan hadlin Khilaaf soo kala dhex galay labada Nin ee Xamaalatada ahaa mid ka mid ah toorey lagu dilay,laakin Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka ka dambeeyay.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ninkii gacan ku dhiig laha ahaa ay ku xireen Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa dhawaana ay Maxkamada la horkeeni doono si sharaciga waxa uu qabo loo marsiiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka

Riix Halkan

Leave a Reply