Home / WARARKA / Dhageyso:Dagaal Khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidamada Amisom iyo Al-Shabaab

Dhageyso:Dagaal Khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidamada Amisom iyo Al-Shabaab

Saacadahii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Dagaal Xooggan oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uu ka dhacay Degaanka Number 60 oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa sida la tilmaamay waxa uu ahaa mid ay Al-Shabaab si gaadmo ah uGu qadeen Kolonyo Ciidamada AMISOM ay lee yihiin oo mararay Tuulada Buulo-nageey oo aan ka fogeyn Degaanka Number 60,waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay mid ka mid ah Gawaarida AMISOM ay ku dhufteen Qoriga loo yaqaan Basuuka ah,kadibna ay halkaas ka bilaabatay Dagaal socday Mudo Saacad ku dhaw.

Dagaalka ayaa sida la tilmaamay waxa ka dhashay Khasaaro iskugu Jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoona sidoo kale la tibaaxay in dad Shacab ah oo Xoolo dhaqato ah ay waxyeelo ka soo gaartay Dagaalka.

Cismaan Cali Diite oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga ee Dowlada Soomaaliya oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa ka warbixiyay Dagaalka dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afirka ee AMISOM,islamarkaana waxa uu tilmaamay in Khasaaro xooggan ay gaarsiyeen Al-shabaabka Weerarka soo qaaday,ayna ka dileen dhowr Dagaalyahano oo ka tirsan Ciidankooda.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan

Cismaan Cali Diite