Home / WARARKA / Dhageyso:-Faah faahin laga bixiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada oo Muqisho lagu dilay

Dhageyso:-Faah faahin laga bixiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowlada oo Muqisho lagu dilay

Kooxo Hubeysan ayaa Saakay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen agagaarka Jaamacadda Gaheyr oo ku taalla Degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir.

Sarkaalka ayaa la sheegay Xiliga dilka loo geysanayay uu ka soo baxay Gurigiisa,islamarkaana uu ku sii jeeday Shaqada,waxaana la tilmaamay in dilkii ay geysteen Rag ku Hubeysana Bastoolado sida Dadka Degaanka ay in shegeen.

Ragii ka dambeeyay Dilka Sarkaalka ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen Goobta,iyadoo Ciidamada Dowlada oo Goobta gaaray ay Howlgal ka bilaaben halka uu dilka ka dhacay,waxaana la tilmaamay in Sarkaalka la dilay lagu Magacaabi jiray Farxaan Camoow.

Maxamed Nuux oo ka mid ah Saraakisha Ciidanka Milatariga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Wareysi gaar ah siyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa faah faahin ka bixiyay dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsana Ciidanka Milatariga ee Dowlada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan