Home / WARARKA / Dhageyso:Dilkii loo geystay Guddoomiyihii Degmada Buula burde oo laga hadlay

Dhageyso:Dilkii loo geystay Guddoomiyihii Degmada Buula burde oo laga hadlay

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,Maxamed Cismaan Qalaafow,oo Wareysi gaar ah siyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa ugu horeen ka Tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Guddoomiyihii hore ee Degmada Buula Burde Cabdi iidow Warsame,islamarkaana ay Kooxo ka xaqdareen ay Xalay ku dileen Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha in ay ku daba jiraan Kooxihii dilka u geystay Guddoomiyihii hore ee Degmada Buula Burde,ayna horkeeni donaan Sharciga,waxa uuna hadalkiisa intaas ku daray in inta uu ka yaqaan Marxuumka Geeriyooday uu ahaa Ruux Wanaagsan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay Mas’uulka Geeriyooday uu Maalmihii dambe uusan ku jirin wax Siyaasad ah,uuna ahaa Daaci Diini Islaamka Faafiya,gaar ahaan Culimada loo yaqaan Tabliiqa.

Guddoomiye Maxamed Cismaan Qalaafow ayaa Carabka ku dhuftay in Ciidamada Howlgal ay sameyeen laakin ay dib Faah faafin kaga soo bixin donaan waxyabaha ka soo baxa Baaritaanka Ciidamada.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne

Riix Halkan