Home / WARARKA / Kooxo Hubeysan oo Muqdisho dil ka geystay

Kooxo Hubeysan oo Muqdisho dil ka geystay

War Goordhaw soo gaaray Warqabadka Radio Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa waxa uu sheegaya in Ruux Shacab ah lagu dilay Degmada Waabari ee Gobolkan Banaadir.

Dilka ayaa waxa la tilmaamay in uu ka dhacay Agagaarka Buundooyinka,waxaana la sheegay in Ruuxa la dilay uu watay Gaari Nuuca Raaxada ah,iyadoo wararka qaar ay tibaxayaan in Ruuxa la dilay uu ka mid ahaa Shaqaalle ka tirsan Shirkada Hormuud.

Ruuxa la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Suleymaan,waxaana uuna ka mid ahaa Dadka ku Nool Degaanka ee ku Nool Degmada Waabari.

Sidoo kale Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda.

Dhanka kale Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda sidda Ninkii waardiyaha Ahaa ee Iridda joogay,sida aan Wararka ku helnay.