Home / CIYAARAHA / Julian Draxler Oo Sheegay In Ayna Isaga Wax Shaki Ahi Kaga Jirin In Kooxdiisa PSG Ay Soo Dhaafi Doonto Real Madrid

Julian Draxler Oo Sheegay In Ayna Isaga Wax Shaki Ahi Kaga Jirin In Kooxdiisa PSG Ay Soo Dhaafi Doonto Real Madrid

Laba usbuuc oo kaliya ayaa ka hadhsan waqtiga ay kooxhaa Real Madrid iyo Paris Saint-Germain iskaga hor iman doonaan Santiago Bernabeu ee kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee tartanka Champions League, waxaana ka hor kulankan ka hadlay xidiga xulka qaranka Germany iyo kooxda PSG ee Julian Draxler kaas oo hadlay muhiimada uu kulankani kooxdiisa u yeelan doono.

Estadio Santiago Bernabeu ayaa marti galin doono kulanka lugta hore ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood iyada oo February 14 ay Real Madrid iyo PSG garoonka cagta soo wada saari doonaan iyada oo mid kastaaba ay doonayso sidii ay siddeed dhamaadka tartankan talaabo ugu qaadi lahayd ka hor kulanka lugta labaad ee Paris ka dhici doona.

Julian Draxler ayaa sheegay in kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonaan uu yahay kulan wayn laakiin waxa uu ku dooday in haddii ay doonayaan ku guulaysiga koobkan in ay markaas waajib ku tahay in ay kooxaha ugu fiican garaacaan.

Julian Draxler oo kulanka Real Madrid ka hadlaya ayaa yidhi: “Kulanka Real Madrid waa kulan wayn, waxaa qasab nagu ah in aanu la ciyaarno kooxda ugu adag, kooxda tartankan difaacanaysa, laakiin haddii aad doonayso in aad tartanka ku guulaysato, waxaa waajib kugu ah in aad garaacdo kooxaha ugu fiican”.

Julian Draxler ayaa xusay in waxyaabo yar yari ay go’aamin doonaan kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonaan wuxuuna yidhi: “Faah faahino yar ayaa noqon doona kuwa kulanka go’aamin doona, laakiin anigu waxaan hubaa in aanu gaadhi doono wareega xidiga”.