Home / CIYAARAHA / Jose Mourinho oo soo Jediayay in Jamaahiirta Man United uga Dhaadhiciyo Iney Ka Quusteen Hanashada Horyaalka Xilli Ciyaareedkaan

Jose Mourinho oo soo Jediayay in Jamaahiirta Man United uga Dhaadhiciyo Iney Ka Quusteen Hanashada Horyaalka Xilli Ciyaareedkaan

Tababare Jose Mourinho ayaa u muuqda mid ka quustay tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan kadib markii kooxdiisa hogaanka looga qabtay 15-dhibcood, balse wuxuu durba isku dhiirigaliyay hadal uu Sir Alex Ferguson sheegay toban sano ka hor.

Ferguson ayaa shaaca ka qaaday in kooxdii Jose Mourinho ee Chelsea ay ku qasabtay ciyaarahooda sare u qaadaan maaadaama ay laba sano oo xiriir ah hanteen 2005 iyo 2006, balse haatan Jose Mourinho ayaa taagan booskii Ferguson, wuxuuna qiray iney Citizens ee haatan ku qasbeen inuu durba calaameysto xilli ciyaareedka soo aadan madama kaliya 13-kulan ay harsan tahay.

“Waxaan mar walba xasuustaa Sir Alex Ferguson inuu yiri 2005/2006, markii aan ku guuleysanay horyaalkii labaad: “United waxey u baahan tahay hormarin badan sababtoo ah waxey usoo koreen iney nala heer noqdaan” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Chelsea waxey ku guuleysatay laba horyaal oo xiriir ah, kan labaad wuu ka fududaa kan koowaad – kadibna macalinkii ugu weynaa Premier League ayaa yiri in United u baahan tahay iney hormar sameyso”