Home / CIYAARAHA / Goolhayaha Man United David De Gea Oo Xiddigaha Ay Isku Xulka Yihiin Ee Spain U Sheegay Meesha Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe

Goolhayaha Man United David De Gea Oo Xiddigaha Ay Isku Xulka Yihiin Ee Spain U Sheegay Meesha Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe

Goolhayaha kooxda Man United iyo xulka qaranka Spain ee David De Gea ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha ay isku xulka yihiin ku war galiyay meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Goolhayaha Man United David De Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay saaxiibadiisa xulka in uu u socdo Real Madrid.
Kooxda Difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa raadinaysay goolhaye cusub tan iyo markii uu Goolhaye Iker Casillas ka tagay kooxda sanadkii 2015.

Real Madrid ayaa ku dhawaatay in ay De Gea hesho xagaagii 2015 ka hor inta uuna heshiisku bur-burin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Si kasta ha ahaatee waxa ay tan ilaa hataan haystaan goolhaye Keylor Navas oo sameeyay khaladaad sabab u noqday in ay kooxdiisu dhibco lumiso.

Laakiin kooxda caasimada ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan samayn doonta is badal jumlad ah kadib qaab ciyaareedka liita ee xilli ciyaareedkan.