Home / CIYAARAHA / Kooxda Reer Spain ee Real Madrid oo Ogolaatay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato, C. Ronaldo

Kooxda Reer Spain ee Real Madrid oo Ogolaatay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato, C. Ronaldo

Kooxda Real Madrid ayaa ogolaatay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ugu muhiimsan kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararku iyada oo waliba kor ugu qaadaysa mushaharka uu ka qaato kooxda.

Ronaldo ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Real Madrid xagaaga dambe kadib markii ay Real Madrid diiday in ay heshiis cusub oo mushahar kordhin fiican ah u samayso si uu ula mushahar noqdo xiddig ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi kaas oo qaata mushahar dhan 40 milyan oo euro sanadkii.

Maamulka Real Madrid ayaa ka soo hor jeeday in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Ronaldo maadama uu 14 bilood ka hor heshiis cusub u saxiixay.

Sida laga soo xiganayo Wargayska ABC Kooxda Real Madrid ayaa go,aan ku gaadhay in ay heshiis cusub ka saxiixato Ronaldo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real aya la sheegay in ay diyaar u tahay In ay Miska sarto Lacag dhan 300M oo so Barbarayn doona Xidig PSG Neymar Balse ka damabyn doona Kan Barcenola Lionel Messi.