Home / WARARKA / Dhageyso:-Guddoomiye ku-Xigaan Arrimaha Bulshada D/Jalalaqsi oo lagu Edeeyay in waxyaa bo badan uu Musuq Maasuqay

Dhageyso:-Guddoomiye ku-Xigaan Arrimaha Bulshada D/Jalalaqsi oo lagu Edeeyay in waxyaa bo badan uu Musuq Maasuqay

Maxamed Cabdi Abiikar oo ah Guddoomiye ku Xigeenka dhina Maaliyadda Maamulka Degmada Jalalaqsi,ee Gobolka Hiiraan, oo Wareysi gaar ah siyay Idacaadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay In wax laga Xumaado ay tahay in Nin Mas’uuliyad sheeganaya uu Idaacadaha ka sheegayo waxyaabo aan wanaagsaneen,taasina ay timid kadib Markii Degmada ay soo gaaratay Hey’ad Sama-fal ah oo doneysay in wax ay u qabato Bulshada dhibaatateysan ee Ku Nool Degmada,laakin ay soo baxeyn Xubno ka mid ah Maamulka Degmada Jalalaqsi ay isku dayeen in ay Musuq maasuqaan Gargaarka loo waday Dadka dhibaateysan Xiisadana ay saas ku bilaabatay sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Guddoomiye ku Xigeenka Dhinaca Maaliyadda Maamulka Degmada Jalalqsi ayaa edeeyn kala dul dhacay Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Jalalaqsi Ninka lagu Magacaabo Abuukar Jiis,kaas oo uu ku sheegay in uu donayay in uu Musuq maasuqo Gar gaarka loo waday Dadka Shacabka ah ee dhibaateysan,islamarkaana ay Xiisada ay saas ku bilaabatay haddana ay Magaalada inteeda badan ay kala xiran tahay.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Abiikar oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in Cid walbo isku daydo in ay wax Musuq maasuqdo ay ka hortagayaan,islamarkaana waxa uu beeniyay wararka sheegayay in la xiray asiga qudhiisa taasina uu ku tilmaamay mid wax kama jiraan ah.

Si kastaba ha aahate waxa Xusid mudan in Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi uu ka Maqan yahay Degmada Jalalaqsi,iyadoo Dadka Degaanka ay ka Cabsi Xooggan ay soo wajahday Xiisada ka soo dhex Cubootay Maamulka Gudahiisa ,inkasto aan Xiriiro aan la sameynay Mas’uulka Edeeynta loo jeediyay ay inoo suura gain si aan Arrimhaasi wax ugu weydiino.

Hoos ka Dhageyso Waresyiga Guddoomiye ku Xigeenka Dhica Maaliyadda

Riix Halkan