Home / WARARKA / Rag ka tirsana Al-shabaab iyo Hubkii ay wateen oo Gacanta lagu soo dhigay

Rag ka tirsana Al-shabaab iyo Hubkii ay wateen oo Gacanta lagu soo dhigay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay 5 ka tirsanaa Alshabab iyo hubkooda kuwaasi oo laga soo qabtay deegaanka Manaas, oo ilaa 40 KM dhanka Galbeed kaga began magaalada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in howlgal lagu soo qabtay Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo watay,hub iyo Mooto Majaaj,kuwaasi oo hatan ku jira gacanta ciidamada amniga.

Waxaa ay sheegeen saraakiishu in ay u soo bandhigi doonaan Warbaahinta Ragga la qabtay iyo hubkooda waxaa sidoo kale ay sheegeen in ay burburiyeen saldhiyo ay Shabaabku ku lahaayen deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.