Home / WARARKA / DEG-DEG:- Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

DEG-DEG:- Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

MUQDISHO:- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa hadda gaaray magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxwaynaha waxaa sidoo kale qayb ka ah siyaasiyiin xildhibaano iyo mas’uuliyiin sare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho kusoo maray deegaano katirsan Galmudug iyo Puntland.

Safarka Madaxeyne Farmaajo ayaa kasoo biloowday deegaanada maamulka Puntland waxaana warar hoose ay sheegayaan in uu doonayo in socdaalkiisa uu ku biiriyo deegaano katirsan maamulka Hirshabelle.

 

W/Q:- ALIFOOW YARE.