Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Gaari ay wateen qarax lagula eegtay M/Muqdisho

Gawaari ay wateen Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo Marayey inta udhaxeysa isgoysaka Ex Koontarool Afgooye iyo Haanta dheer dhanka Wadada Warshadaha ee M/Muqdisho, ayaa mid ka mid ah Kolanyada la kacday Miino wadada dhinaceeda ku Aasneed sida ay Dadka degaanka ay sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Afar Askari oo Ciidanka Dowlada ka tirsan iyo 3 Arday oo wadda Marayay,waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn in at jiraan wax dhimasha ah.

Dhanka kale Jugta qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamadii qaraxa ku dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net