Home / WARARKA / Faah Faahin ka soo baxeysa Dilka ka dhacay Gudaha Degmada Afgooye

Faah Faahin ka soo baxeysa Dilka ka dhacay Gudaha Degmada Afgooye

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Kooxo ku hubeysana Bastoolado u Dilay Wiil dhalinyaro ah oo ku Nool Degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaasim Tushiiba, islamarkaana waxa la tilmaamay in uu ka mid aha Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Degmada Afgooye,Xiliga dilka loo geysanayay uu ku sugna Goob Ganacsi uu lahaa.

Dadkii ka dambeyay dilka ayaa Goobta isaga bxsaday,waxana markii dambe tegay Ciidamada Booliiska Afgooye kuwaas oo sameeyay Baaritaano kooban wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda dilkaas,iyaga oo sheegay in ay dileen mid ka mid ah Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka.

Wali kama aysan hadlin Maamulka Degmada Afgooye Dilkaan loo geystay Wiilkaas dhalinyarada ah.