Home / WARARKA / Deg Deg:Dil Goordhaw ka dhacay Degmada Afgooye

Deg Deg:Dil Goordhaw ka dhacay Degmada Afgooye

War Goordhaw soo gaaray Warqabadka Radio Danan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhaw Kooxo ku hubeysan Bustoolado ay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen Nin Dhalinyaro ah.

Ninkan Dhalinyarada ah ayaa kooxda ka dambeysay dilkiisa waxa la sheegay in at wateen Mootada nooca labada lug leh ayaa waxaa la sheegay in ay ugu tageen Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Ceel Qode ee Degamda Afgooye iyaga oo in taasi kadib Goobta ka baxsaday.

Dhanka kale Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaasim,ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga waxa lagu dilay iyadoona warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Goobta Dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa bilabeen Baaritaano ku aadan qaabka uu dilka u dhacay iyagoona hadda Goobta kawada Howlgal lagu baadi goobo Ragii ka dambeeyay Dilka.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net