Home / WARARKA / Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Tuug qaab Farsamo leh Dadka u dhici jiray (Sawirro)

Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Tuug qaab Farsamo leh Dadka u dhici jiray (Sawirro)

Ciidamo Ammaan ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay Gacanta ku dhigay Nin Tuug ah si Farsamo leh Dadka uGu dhici jiray Gudaha Degmada Kaaraan.

Ciidamada ayaa waxa la sheegay in Ninkas Tuuga at ku soo qabteen Howlgal at ka smeyeen Gudaha Degmada Kaaraan,Ninka Tuuga ee at Ciidamada Gacanta ku soo dhigeen asaga oo watay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa sheegay in dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen Ninkaasi,islamarkaana ay ku Guleysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa hoosta ka xariiqay in Ninka Tuuga ee ay Ciidamda Gacanta ku dhigeen la horeeki doono Maxkamadda Gobolka Banaadir si loo la marsiiyo Sharciga waxa uu qabo.

Sawirro