Dhageyso:-Sababta ka dambeeysay isa soo dhiibitaanka Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la Cadeeyay

Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay,Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in Saraakisha ka tirsan Al-Shabaab ee isa soo dhiibaya in ay ogadeen in wadda ay ku socdaan ay qalad tahay,islamarkaana waxa uu Hoosta ka xariiqay in mar walbo toobada Alle ay furan tahay ayna ogadaan in ay ku socdaan wadda aan wanaagsan sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Guddoomiayaha ayaa Carabka ku dhuftay in Sarkaalka ka tirsana Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Maamulka Degmada Buur-hakaba ay ku Warejiyeen Ciidamada Maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate Ma ahan Markii uGu horeeysay uu Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu isku soo dhibayo Maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan