Home / WARARKA / Faah Faahin ka soo baxeysa Sarkaal ka tirsan C/Booliska oo Muqdisho lagu Weeraray

Faah Faahin ka soo baxeysa Sarkaal ka tirsan C/Booliska oo Muqdisho lagu Weeraray

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Saakay lagu Weeraray Xaafadda Salaama ee Degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.

Sarkaalka ayaa waxa la sheegay in ay Weerareen Kooxo Hubeysan oo aan Hiibtooda aan wali la garan,waxana la tilmaamay in Kooxaha Hubeysan ay Rasaas ku fureen Gaariga uu la socday Sarkaalka Booliska ah.

Sarkaal ayaa sida la sheegay waxa soo gaaray Dhaawac Culus,islamarkaana loola Cararay Mid ka mid ah Isbitaalada ku Yaala Magaalada Muqdisho,iyadoona Xusid mudan tahay in Kooxihii Weerarka geystay ay Goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Goobta gaaray ayaa waxa bilabeen Baaritano ku aadan qaabka uu dilka u dhacay,iyagoona Howlgal Goobta ka bilaaway.

Xiriiro aan la sameynay Maamulka Degmada Dharkenley iinooma suura galin si aan qadka Taleefoonka uGu haleelno oo aan wax ugu weydiino arimahaas.