Faah Faahin ka soo baxeysa Qarax lala Eegtay Gaariga Gudoomiye Ku Xigeenka D/Hiliwaa

Waxaa Warar dheraad ah ay ka soo baxayaan Qarax Miinada Nuuca Dhulka lagu Aaso oo Barqanimadii Maanta lala eegtay Guddoomiye ku Xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda ee Degmada Hiliwa

Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa lala eegtay Guddoomiye ku Xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda ee Degmada Hiliwa,kaa oo lagu Magacaabo Abshir Maxamed Maxamuud Abshir Kaaraan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxa la sheegay in qaraxa Xiliga lala eegtay uu marayay inta u dhaxeysa ISgooyska Soos iyo Shaneemo Cabdi Wayeel sida Dad Goob Jogayaal ah ay ino shegeen.

inta la xaqiijiyay 2 Askar oo ka tirsanaa Ilaaladiisa ay ku dhintay tiro inta ka badana wey ku dhawacmeen,waxaana la tilmaamay in Guddoomiye ku Xigeenka Dhanka Amniga iyo Siyasaada uu qaraxa ka badbaaday.

wixi ku soo kordho kala soco radiodanan.net